Hafsa Said

Howl-wadeennada Somali Women in Media waxay ururka ku soo dhoweynayaan Xafsa Siciid Cabdullaahi oo joogta Boorama, Awdal. Waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay u soo codsatay xubin-nimadeeda, iyadoo buuxisay foomka ku jira website-keenna Somwim.com

Xafsa oo ah weriye la shaqeysa Somali Channel, waxay sheegtay inay ururka ugu mid noqotay xubnihiisa si ay uga faa’iiddo aqoon iyo waayo-aragnimo ay ku kaban karto mihnaddeeda saxafaadda.

Waxay sidoo kale jeceshahay inay noqoto xubin firfircoon oo qeyb muhiim ah ka qaadata howlaha ay hayso Somwim ee kor u qaadista iyo tayaynta gabdhaha warbaahinta ka shaqeeya. Waxay Xafsa heerka koowaad ee jaamacadda ka diyaarinaysaa Eelo university.

error: Content is protected !!