Members

Mariama Hussein Jabril

Magacaygu waa Maryama, waxaan la shaqeeyaa muuqaal baahiyaha Dalsan. Waxaan ahay wardoone iyo tabiye, sanadkii 2014-kii ayaan warbaahinta ku soo biiray. U jeedkaygu wuxuu yahay inaan u hadlo bulshada, si gaar kuwa codkoodu uusan meel dheer gaarin. Waxaan leeyahay hal-abuur gaar ah oo ii sahlaya in sheekooyinkayga ay xiisa geliyaan

Nimco Jamal Mohamed

Magacaygu waa Nimco, waxaan saxaafadda ku soo biiray 2017. Waxaan la shaqeeyaa Bulsho Tv Hargeysa. Waxaan ahay war-doone inta badan tebisa wararka iyo warbixinnada ku saabsan arrimaha bulshada. Waxaan sidoo kale xoogga saaraa sidii aan u horumarin lahaa Waxbarashadayda. Hadda waxaan Jaamacadda New Gerention ka dhigtaa cilmiga arrimaha bulshada. Waxaan rajeynayaa inaan wada

Umulker Abukar Omar

Magacaygu waa Umulkheyr, waxaan la shaqeeyaa Tv-ga iyo idaacadda Shabeelle. Waxaan ahay barnaamij soo saare iyo war doone. Waxaan shaqadan ku jiraa muddo 8 sano ah, inkastoo daruufo iyo xaalado kala duwan aan la soo kulmay haddana waxaan ka helay qibrad. Waxaan garab taaganahay gabdhaha Soomaaliyeed anigoo adeegsanaayo xirfadeyda weriye-nimo sidoo kale waxaan dhiirigelinayaa gabdhaha hibada iyo hal-abuurka

Deka Mohamud Kasim

Magacaygu waa Deeqa waxaan la shaqeeyaa xarumaha warbahinta ee kala ah Radio Codka Gobolka Banaadir iyo muuqaal baahiyaha Astaan Media. Waxaan ahay barnaamij soo saare iyo war doone, Waxaan saxaafadda ka shaqeenayaaa muddo lix sano ah. Waxay ii ahayd sannado aan wax badan ku bartay kana faa’iiday. Taas beddelkeeda waxaan rabaa inaan ugu shaqeeyo gabadhaha warbaahinta ku jira ee ay haystaan

Ayaan Shulac

Magacaygu waa Ayaan, waxaan ahay weriye la shaqeysa Sahan Tv. Hamigaygu waa horumarka gabdhaha warbaahinta ku jira. Waxaan rajaynayaa guul. Waxaan ku talinayaa inaan gacmaha is-qabsanno si aan uga dhabeyno

Meymuun Adan Cageey

Magacaygu waa Maymuun, waxaan ahay war-doone ka shaqeeya idaacadda gobolka Banaadir. Waxaan saxaafadda kusoo biiray sanadkii 2013-kii. Waxaan marwalba xoogga saaraa inaan ka shaqeeyo tabinta wararka ku saabsan arrimaha bulshada gaar ahaan

Safa Osman Abdulle

Magacaygu waa Safiyo, waxaan la shaqeeyaa muuqaal baahiyaha Shabeelle. Waxaaa ahay war doone sameeya sheekooyinka xiiso leh ee la xiriira arrimaha bulshada. Sanadkii 2014-kii ayaan warbaahinta kuso biiray. Waxaan jeclahay inaan mihnaddaan ku sii shaqeeyo oo aan hormariyo xirfadeyda kaalinna ka qaato horumarka

Nasteha Abdulkadir Hassan

Magacaygu waa Nasteexo, waxaan la shaqeeyaa muuqaal baahiyaha Dalsan. Waxaan ahay barnaamij soo saare iyo war doone, waxaan saxaafadda soo galay sanadkii 2017. Waxaan u taaganahay in aan soo bandhigo dhibaatooyinka iyo caqabadaha la soo gudboonaada haweenka gaar ahaan kuwa u baahan in laga caawiyo baahinta

Sucdi Haji Mohamed

Magacayga waa Sucdi, waxaan ahay weriye la shaqeeya idaacadda Danan, waxaan mihnaddan ku jiraa muddo ku dhow 10 sano. Waxaan jecelahay inaan caawiyo saxafiyiinta gabdhaha ah si aan u noqono dad wax qabsada. Guul wacan

Sumayo nour Abdullahi

Magacaygu waa Sumayo waxaan ahay war tabiye iyo barnaamij soo saare. Waxaan saxaafadda ku jiraa muddo ku dhow shan Sano. Waxaan la soo shaqeeyay warbaahinno kala duwan oo ku kala yaalla dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Intaan kusoo jiray mihnaddan waxaan ka bartay khibrad dheeri ah iyo waayo-aragnimo igu

Hamda Mohamud Mohamed

Magacaygu waa Xamda, waxaan muuqaal baahiyaha iyo raadiyaha SBC ka ahay war doone iyo barnaamij soo saare. Waxaa saxaafadda ku soo biiray sannadkii 2015-kii hase yeeshee waxaan si toos ah u shaqeynayaa muddo labo sano ah. Waxaan Jeclahay Inaan soo gudbiyo wax walba oo xaqiiqda ku saleysam anigoo gudanaya waajibaadkayga

Rahma Yusuf Jimale

Magacaygu waa Raxma, waxaan ka shaqeeyaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed. Waxaan ahay war tabiye iyo barnaamij soo saare. Waxaan saaxafadda ku jiray muddo ku dhow toddobo sano. Waxaan ku soo shaqeeyay xilliyo adag, anigoo ka bartay khibrad dheeri ah. Waxaan haweenka ka caawiyaa in codkooda uu meel fog gaaro bulshaduna maqlaan ama arkaan. Waxaan kaloo soo bandhigaa horumarrada ay garaan haweenka iyo kaalinta ay bulshada uga jiraan aniga oo adeegsanaya mihinadda

Nimo Hassan Abdullahi

Magacaygu waa Nimco Fariido, waxaan ahay weriye la shaqeysa muuqaal baahiyaha Astaan. Waxaan jecelahay sameynta warbixinnada arrimaha bulshada. Hamigaygu waa inaan qayb weyn ka qaato horumarka gabdhaha anigoo ku dabbaqaya mihnaddan saxaafadda. Waan ku faraxsanahay inaan xubin ka

Nafisa Hussein Abdi

Magaceygu waa Nafisa Xuseen. Waxaan ahay weriye xubin ka ah ururka Somwim. Waxaan rajeynayaa inaan wada

Fatima Abdikadir

Magaceygu waa Faadumo, waxaan la shaqeeyaa idaacadda iyo TV-ga Shabeelle. Waxaan saxaafadda ku soo jiray muddo afar sano ku dhow. Waxaan ahay war tebiye/akhriye iyo barnaamij soo saare. Hamigaygu waa garab istaagga gabdhaha Soomaaliyeed iyo caawintooda anigoo adeegsanaya mihnadda saxaafadda. ~ Faadumo

error: Content is protected !!