SOMWIM oo tartan warbixin diyaarinta ah u qabanaysa gabdhaha weriyeyaasha ah

Call for application
SOMWIM – Ururka Somali Women in Media oo ka shaqeeya horumarinta gabdhaha weriyeyaasha ah ayaa tartan warbixinno lagu diyaarinayo u qabanaya gabdhaha.
Tartanka ayaa looga qeybgali karaa warbixinnada la xiriira arrimaha bulshada. Wuxuu Somwim aaminsan yahay inay jiraan gabdho ku fiican sheeko qorista oo ka faa’iidaysan kara fursaddan oo horay aan loogu qaban gabdhaha weriyeyaasha ah.

Wuxuu u furan yahay gabar kasta oo Soomaali ah oo ka shaqeysa warbaahinta. Waxaa laga qiimeyn doonaa warbixinnada ay soo diyaariyaan; muhiimad kala siinta iyo isku dheellitirka xogta iyo qaab-qoraalka far Soomaaliga. Warbixinta waxaa sidoo kale laga fiirin doonaa tirada erayadeeda oo aan 1,000 ka yaraan karin.

Abaalmarin ayaa la siinayaa gabdhaha ku soo soo baxa kaalmaha koowaad iyo labaad. Gabadha gasha kaalinta saddexaad ayaa keliya la sheegi doonaa magaceeda si loo sharfo, looguna qiro dedaalkeeda.
Gabdhaha doonaya inay ka qeybgalaan tartanka waxay codsigooda ku soo diri karaan Somaliwim@gmail.com. Sidoo kale waxay nagu soo waydiin karaan wixii su’aalo ay ka qabaan tartanka.
error: Content is protected !!