Ra’isulwasaaraha xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kulan la qaatay qaar ka tirsan ururrada u dooda xuquuqda weriyeyaasha iyo madaxda warbaahinta ee magaalada Muqdisho.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddu ay weriyeyaasha ku garab taagan tahay gudashada waajibaadka iyo helista wararka dowladda.
Guddoomiyaha Somwim Umulkheyr Abuukar ayaa ka qeyb gashay kulanka ayaa sheegtay in kulanka ra’isulwasaaraha uu billow u yahay in madaxdu ay weriyeyaasha ku qiimeeyaan shaqada ay bulshada u hayaa, isla markaana Somwim ay bogaadinayso.