Somwim oo ka qeybgashay aqoon is-waydaarsi ka dhacay Muqdisho.

SOMWIM – Xubno ka tirsan ururka Somwim ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb galay aqoon is-waydaarsi looga hadlayay dowrka madaxda warbaahinta ay ka qaadan karaan isku dheelli-tirka weriyeyaasha tebiya sheekooyinka cudurka Koroona.

Aqoon is-waydaarsiga oo ay soo qaban qaabiyeen ururrada Media Women Network iyo Somali Media Association -SOMA waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay xubno ka socday xarumaha warbaahinta iyo ururo kale.

Xoghayaha guud ee SOMWIM Deeqo Maxamuud Qaasim oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in gabdhuhu ay iyagu marka hore is xisaabiyaan, isla markaana qaataan dowrkooda tebinta wararka si la mid ah wiilasha.

Waxay ka codsatay maamullada warbaahinta in ay ka shaqeeyaan sinnaanta goobaha shaqada ee gabdhaha iyo wiilasha warbaahinta ku jira.

error: Content is protected !!