SOMWIM – Xoghayaha guud ee ururka Somwim Deeqa Maxamuud Qaasim ayaa xalay ka qeyb gashay kulan ra’isulwasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble uu la qaatay madaxda warbaahinta iyo qaar ka mid ah ururrada xuquuqda weriyeyaasha u dooda oo Somwim ay ku jirto.
Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay weriyeyaashu leeyihiin maaddaama waqtigan siyaasadda dalka ay meel xasaasi ah mareyso ayaa lagu sheegay in warbaahintu ay tahay isha kaliya ee bulshada warka sugan iyo arrimaha doorashooyinka gaarsiin karta.
Xoghayaha guud ee Somwim oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in madaxda dowladda looga baahan yahay inay garowsadaan xuquuqda weriyeyaasha isla markaana ay u fududeeyaan shaqadoooda tebinta. Ra’isulwasaaraha ayaa bahda saxaafadda ku boorriyay inay xoojiyaan dowrkooda wacyigelinta bulshada.