Somwim ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan aragti is-waydaarsi ah oo ujeeddadiisu ay ahayd in la ogaado sababaha ka dambeeya in gabdhuhu ay ku yaraadaan ka shaqeynta warbaahinta, kuwa ku jirana aysan u helin fursado la mid ah kuwa wiilasha kula jira mihnadda. Kulanka oo dhacay 29-kii Desember ee toddobaadkii hore, waxaa ka qeybgalay dhowr iyo toban xubnaha ururka ah.
Xubnaha Somwim waxay si adag uga doodeen caqabadaha jira ee gabdhaha ka haysta warbaahinta, sababaha keena iyo tallaabooyin la gudboon inay qaadaan si xal loogu helo.
Gabdhuhu way ku yar yihiin qabashada xilalka sare ee hay’adaha warbaahinta, sida maamulka iyo madax qeybeedyada taas oo keenta inaan laga qeyb-gelin kulamda lagu gaaro go’aamada muhiimka ah ee la xiriira shaqeeyinka, aayo ka talinta iyo horumarinta warbaahinta.
Weriyeyaasha doodda ka qeyb galay waxaa la mid ah Maryama Xuseen oo sababta ay gabdhuhu ugu soo biiri waayeen warbaahinta ku sheegtay in ay tahay in aysan taageero ka haysan qoysaskooda iyo saaxiibbada ay ka wada shaqeeyaan hay’adaha warbaahinta.
“Caqabaddu waa in gabdhaha aan lagu aaminin wax ka baxsan barnaamijyada fudud ee madaddaallada ah, sida salaamaha oo aan u baahnayn in la geliyo juhdi soo-saaris. Taas waxay xakameyneysaa awoodda iyo saameynta gabdhaha, waxayna ku koobeysaa inay shaqooyinka fudud qabtaan ama ay iska daayaan shaqada oo dhan,” ayay tiri Maryama.
Gabdhaha marka ay ka shaqo billaabaan xarumaha warfaafinta ma helaan caawin, hagid iyo garabsiin-shaqo. Gabdhaho badan ayay taasi ka niyad-jabisaa sii wadidda shaqada kana hara mihnadda oo dhan.
Aamino Abyan oo ka mid ahayd weriyeyaasha doodda ka qeyb galay ayaa tiri “Gabdhuhu marka ay iyagu is garabsiiyaan wax kasta way qaban karaan. Gabdhaha xarumaha ka shaqeeyaa waa inay soo dhoweeyaan gabdhaha ku cusub saxaafadda.”
Umulkheyr Abuukar ayaa aragtida ay doodda uga qeyb qaadatay ku cabbirtay in gabdhaha ka shaqeeya Soomaaliya caqabadaha ay uga muuqan la’yihiin warbaahinta ay qeyb ka tahay kor u qaadis-la’aanta aqoontooda ah iyo awoodsiin ay ka waayaan maamullada xarumaha warbaahinta.
Waxay sheegtay in gabdhuhu ay dedaalaan, guryahoodana ay uga soo kacaan inay shaqeeyaan hase yeeshee aan loo sinnayn shaqada warbaahinta.
“Wiilasha waxaa loo diraa meelaha muhiimka ah sidaas darteed ayay gabdhuhu u noqdeen kuwa uu dib u dhac ku yimaado hore-u-socodkooda,” ayay tiri Umulkheyr.
Maamulka Somwin ayaa ballan-qaaday inuu qaban doono kulamo badan oo noocaan ah si ay gabdhuhu isaga kaashadaan xalka caqabadaha haysta.
Guddoomiyaha Somwim, Farxiyo Maxamed Muraad ayaa sheegtay in ay gabdhaha la gudboon tahay in ururka uu dowr muuqda ka qaadan doono sidii uu isbeddel wax-ku-ool ah loogu sameyn lahaa kaalinta gabdhuhu ay ku leeyihiin warbaahinta Soomaalida.