Ururka Gabdhaha Weriyeyaasha ah ee Soomaaliyeed (Somwim) ayaa ka qeybgalay barnaamij wacyigelin ah oo looga hadlayay dhibaatada gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha iyo joojintiisa. Barnaamijka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Hay’adda Ifraax Foundation iyo gabdhaha xirfadleyaasha caafimaadka.
Sanad waliba lixda February ayaa loo asteeyay maalinta dhameynta gudniinka fircooniga ah.
Soomaaliya ayaa lagu sheegay dalka ugu badan ee gabdhaha loo gudo fircooniga. Bulshada ayaa weli u baahan wacyigelin iyo baraarug ay uga digtoonaadaan halista gabdhaha uu u geysto gudniinkan.
Aamina Abyan, guddoomiye ku-xigeenka Somwim oo ka hadashay barnaamijka ayaa sheegtay in gabdhaha weriyeesha ah ay baahiyaan saameynta gudniinka laakiin si loo dabargooyo loo baahan yahay dedaal dhinacyo badan leh, ururka gabdhaha weriyeyaashana uu kaalintiisa qaadan doono.
“Halkan waxaan ka ballan-qaadaynaa inaan garab istaagno gabdhaha nolosha lagu dhibaateeyay. Waxaan ku caawinaynaa codkeenna. Waxaa diyaar u nahay inaan u ololeyno ilaa la waayo gabar loo gudo fircooni,” ayay madasha ka sheegtay guddoomiye ku-xigeenka Somwim.
“Waxaan kula talinaynaa qof kasta oo Soomaali ah inuu kaalin ka qaato sidii lagu dabargoyn lahaa gudniinka fircooniga ah oo ay u dhibban yihiin malaayiin gabdho ah,” ayay hadalkeeda raacisay.
Xogta dhaqaatiirta ayaa sheegaysa in gabadha marka ugu horreysa ee la gudayo ay ka qaadaan naxdin, cabsi iyo argagax. Gudniinka fircooniga ah wuxuu sidoo kale sababaa dhiig-bax u nugleeya gabdhaha halis caafimaad iyo xanuun moogto ah.
Gabdho lagu qiyaasay labo boqol oo milyan oo dunida ku nool ayaa la dhibaatoonaya gudniinka fircooniga, iyadoo saddex milyan tiro ku dhowna ay qatar gasho noloshooda sanad kasta.