SOMWIM – Deeqa Maxamuud Qaasim xoghayaha Somwim oo furtay kulankan doodda ah ayaa sheegtay in gabdhaha ku jira warbaahinta loo baahnaa inay sheegaan baahiyaha iyo caqadaha haysta gabdhaha aan codkoodu meel gaarin laakiin gabdhaha warbaahinta ku jira aysan xaqooda haysanin. Waxay xustay in dhaliiisha aysan wiilasha keliya sabab u ahayn balse gabdhaha ay iyaga qeyb ku leeyihiin caqabadaha jira.
Maxamed Cabdiwahaab xogyaha Soma oo furtaanka ka hadlay ayaa sheegay in ururka Soma ay ku midaysan yihiin 30 xarumo warbaahin ah ay ka qeyb qaataan xalka caqabadaha jira.
Agaasimaha warbaahinta gobolka Banaadir Cabdullaahi Wiish oo doodda ka qeyb galay ayaa sheegay in uu taageero horumarka gabdhaha isla markaana uu ku dedaalayo inuu kala shaqeeyo. Wuxuu xusay in is abaabulka gabdhaha ay sameynayaan uu aad u soo dhaweynayo maaddaama ay ka qeyb qaadanayso in wax laga qabto caqabadaha jira. Wuxuu intaa ku daray inuu aaminsan yahay in gabdhaha howsha loogu halleeyo ay tahay midda ugu fiican. Wuxuu kula dardaarmay in gabdhuhu ay u midoobaan si ay hadafkooda u gaaraan.
Nafiso Xirsi Maxamuud oo ah guddoomiyaha ururka Media Women Network ayaa uga mahadcelisay ururrada Soma iyo Somwim inay sameeyeen isku imaatin loo baahnaa. Waxay si gaar ah u bogaadisay ururka Somwin, iyadoo xustay in ay juhdi geliyeen ilaa heer la soo hor fariisto agaasimeyaasha warbaahinta si xaqa gabdhaha looga doodo. Waxay intaas in ururrada gabdhaha inay bataan ay tahay faa’iido gaar ah oo lagu raadinayo xuquuqda gabdhaha warbaahinta ku jirta.
Nafiso oo doodda billowday ayaa sheegtay inaysan jirin gabar lacag leh oo warbaahinta furatay taas ayaan sababta in gabdhuhu ay maamulka ku yaraadaan. Waxay ku doodday in milkiileyaasha warbaahinta ayay tilmaamtay inay kalsooni darro ku qabaan gabdhaha oo ay ka doorbidaan wiilasha taas oo yareynaysa gabdhaha xilalka haya.
“Dadka warbaahinta ka shaqeeya iyagoo waxbartay shaqo ma soo raadsadaan ee waxay waxay ka raadsadaan nololmaalmeed inay helaan, waxaa loo arkaa warbaahinta Soomaalida inay ka shaqeeyaan dadka aan wax baran ama aan shaqada hayn, xitaa waaliddiintu uma oggola ilmahooda waxbartay inay ka shaqeeyaan warbaahinta taas oo yareysa dadka inay xirfadda heer fiican ka gaaraan,” ayay intaas raacisay Nafiso.
Burhaan Diini Faarax agaasimaha idaacadda Kulmiye oo xubin ka ah ururka Soma ayaa ku dooday in gabdhaha sababta ay maamulka ugu yaraadeen aysan dadka warbaahinta ka shaqeeya eed ku lahayn maaddaama dadka milkiyadda leh ay xulashada leeyihiin.
“Gabar ayaa agaasime ku xigeen ii ah, xaruntaydu waxay ku jirtaa kuwa gabdhaha ugu badan ay ka shaqeeyaan. Gabdhaha xaruntayda ka shaqeeya ayaa ugu badan dadka keena fikradaha idaacadda laga sii daayo waana ku amaanan yihiin. Gabdhaha waxaa lagu aaminay
qeybaha maaliyadda waana Meesha ugu shaqada yar oo aan isleenahay waa ka soo bixi karnaa, ayuu raaciyay.
Wuxuu intaa raaciyay in gabdhuhu ay diidaan barnaamijyada shaqada badan islamarkaana iyagu ay ka dhaafaan. Waxyaabaha ugu badan ee gabdhuhu ka cuidur daartaan ayuu xusay inay tahay waqti ay qabanayaan barnaamijyada oo xilliyada habeenkii ay ka beddeshaan.
Wuxuu ku dooday in magaalada Muqdisho laga furay labo idaacadood oo gabdhuhu ay maamulayeen laakiin labaduba aysan hadda shaqeynin.
Maxamed Cabdiwahaab, xoghayaha ururka Soma ayaa ku dooday inaysan jirin sinnaan la’aan saxaafadda gooni ah laakiin uu jiro dhaqan dabiici ah oo ah in gabdhuhu aysan ku badan suuqa shaqada ee dowladda iyo meelaha gaarka loo leeyahay. Wuxuu xusay inaysan jirin cilad gabdhaha u diidaysa inay xilal sare qabtaa laakiin loo baahan yahay in la soo bandhigo dhaliilaha iyo gaabiska ay gabdhuhu leeyihiin.
Wuxuu kula dardaarmay ururrada Somwim iyo Media Women Network in la sheego sababta ay gabdhuhu ugu yar yihiin warbaahin islamarkaana loo baahan yahay in xarumaha la tago oo la soo ogaado waxyaabaha jira.
“Gabdhuhu maxay u tagi waayeen meelaha wax soo saarka leh. Waxaan aaminsanahay in gabdhaha iyo wiilasha ay u siman yihiin fursadaha. Waxaan hubaa in gabdhuhu ay karti leeyihiin laakiin maamullada ay u xushaan wiilasha inay ka firfircoon yihiin gabdhaha sidaasna loogu dhiibo xilalka. Idaacadaha hala tago oo la ogaado sida ay wax u diyaariyaan markaas ayaa xalka la heli karaa,” ayuu ku daray Maxamed.
Nafiso oo ku soo laabatay doodda ayaa sheegtay in warbaahinta ay ka soo billowday qeybta maaliyadda ilaa agaasime laakiin in gabdhaha aan lagu dhihi karin inay soo maraan caqabaddii ay soo aragtay markii ay shaqada soo billowday.
“Gabar walba waa rabaa inay shaqada qabato, maamuleyaashu waa inay fududeeyaan caqabadaha gabdhaha ay la kulmaan. Gabadha uu ka horreeyo wiil aan aqoon lahayn, horumarka warbaahinta ka fakaraynin, dan kale ku xiraya waa mid aysan ka gudbi karin”.
Xalka
Maxamed Cabdiwahaab-Waxay diyaar u ahay in ururrada aan kala shaqeeyo in xalka la raadiyo caqabadahana laga gudbo. Waxaan ku raadin karnaa in warbaahinnada aan u tagno oo kala hadalno waxa ka maqan gabdhaha- aan iskaashanno oo raadinno meelaha ay caqabadaha ka haystaan gabdhaha.
Sadaam Maxamed, tifaftiraha idaacadda Star ayaa ku dooday in sinnaan la’aan ay jirto islamarkaana ay sabab u yahay dhaqanka maaddaama gabdhaha iyo wiilasha aan si isku mid ah warbashada loogu dirin. Wuxuu intaa ku daray in meel walba ay tirada wiilasha badan tahay laakiin gabdhaha tiradooda ay ka muhiimsan tahay tayada iyo waxa ay soo kordhin karaan.
“Sababta ay suuq geynta gabdhaha ugu badan yihiin waa sababta saabuunta iyo shaambada gabdhaha augu sawiran yihiin, ma jirto saabuun iyo shaambo wiilal ku sawiran yihiin. Xarumaha warbaahinta waxay rabaan in ay shirkadaha ay ka gadaan waxa ay hayso marka waa inay gabar ku gaddaa. Gabdhaha waa lagu qanciyay qeybtaas laakiin waa liidis waana inay iska diidaan, ayuu intaas ku daray Saadaam.
Liibaan Cabdi Cali agaasimihii hore ee SNTV oo doodda joogay ayaa sheegay in tirada gabdhaha ee hadda shaqeysa ay badan yihiin marka loo eego wixii ka horreeyay 2010-kii islamarkaana loo baahan in gabdhuhu ay qiraan in ay heer fiican joogaan oo ay bogaadiyaan si waxa maqan ay u raadiyaan.
“Waxaa fiican in gabdhuhu ay lahaadaan kuwa ay ku daydaa, waa inay aad gabdhaha ku jehaysaan wax qabsiga meelaha wax soo saarka. Yaysan idin niyad jabin in la idin dhaho waa kala daadsan tihiin ee isku duubni muujiya idinkoo meelo kala duwan ka socda, ayuu raaciyay Liibaan”.
Aweys Jilicow oo doodda ka qeyb ahaa ayaa sheegay in la gaari karo inay xilal qabtaan gabdhaha laakiin looga baahan yahay gabdhuhu inay iyagu is soo saaraan iyagoo aan fiirinaynin xilalka ay hayaan. “Gabdhuhu hadday wax bartaan, dedaalaan, la tartamaan gabdhha caalamka waxay kordhinaysaa hamiga xirfaddoodda”.
Burhaan oo ku soo laabtay”Boosaska qaar waxaan u xulannaa gabdhaha marka aan soo bandhigayn. Waxaan ballan qaadayaa in aan idinku caawinno helista xuquuqdiinna”
Salad Geeddi Cali, weriye “Soma ma ogtahay gabdhaha ka shaqeeya hay’adaha ku midaysan iyo caqabadaha haysta. Hay’daha waa inay ka shaqeeyaan sida gabdhaha baahiyahooda ay ka shaqeeyaan islamarkaana ay ilaaliyaan. Shuruuc waa in la sameeyo lagu ilaaliyo xuquuqda gabdhaha. Waan diirigelinayaa urrurada gabdhaha u doodaya xuquuqda gabdhaha, waa wax fiican inay soo bataan oo wax u qabtaan gabdhaha u baahan”.
Gebegabo
Umulkayr Abuurkar guddoomiyaha Somwim “agaasimeyaasha waxay ballanqaadin ay raadin doonaan caqabadaha xalka la rabo in la gaaro. Waxaa si siman u shaqeyn doona gabdhaha iyo wiilasha.
Liibaan “Gabhdhaha waa inay u arkaan in shaqada ay qaban karaan oo ay dedaalaan.
Aqoontooda ay ka kor u qaadaan, kuna qanacsanaadaan shaqada ay qabanayaan kuna faanaan”.
Burhaan Diini agaasimaha Kulmiye “waxaa la isla gartay caqabadaha jira iyadoo la isku sheegay tabashada gabdhuhu qabaan iyadoo maamulada xarumaha warbaahinta ay garwaaqsadeen caqabadaha jira. Waxaan fikaynaa in madasha tan xigta aan uga hadalno arrimo muhiim ah iyadoo tan la xalliyay.
Maxamed Cabdiwahaab” Waxaan diyaar u ahay in xalka aan wax ka raadiyo. Xarumaha warbaahintu waa sameynayaa haddii xoogga lagu saaro in daruufahooda wax laga qabto”.