Sahanka Kaalinta Gabdhaha Ee Warbaahinta

SOMWIM – Waxaa doodo ay Somwim u qabatay gabdhaha ka soo baxay in aan lagu aaminin wax ka baxsan barnaamijyada fudud ee madaddaallada ah, sida salaamaha oo aan u baahnayn in la geliyo juhdi soo-saaris.

Taas waxay xakameyneysaa awoodda iyo saameynta gabdhaha, waxayna ku koobeysaa inay shaqooyinka fudud qabtaan ama ay iska daayaan shaqada oo dhan.

Gabdhuhu marka ay yaryar yihiin fursad uma helaan inay waxbartaan si la mid ah wiilasha la dhashay ama guriga kula nool. Kuwo badan oo fursado helay waxay waxbarashadooda ku hartaa heerka hoose-dhexe, sababo badan dartood; saboolnimada qoysas badan haysata waxay sababtaa in dhaqaalaha yar ee la helo lagu maalgeliyo waxbarashada wiilasha, guurka degdegga ah iyo dhiirrigelin la’aan ayaa sidoo kale gabdhaha ka reebta waxbarashada.

Waxay maamuleyaasha xarumaha aan sahanka ku sameynay noo sheegeen in dadka ay shaqaaleysiinayaan ay ku xushaan aqoon iyo xirfad taas oo sabab looga dhigi karo tiro yarida maaddaama aqoonta gabdhaha iyo wiilasha aysan sinnayn.

Tirada gabdhaha ee ka shaqeysa warbaahinta way ka yar tahay tan wiilasha, sababo la xiriira caqabado gabdhaha ka haysta dhanka waalidka oo aan u oggolayn ka shaqeynta warfaafinta. Sababtu waxay tahay waxay aaminsan yihiin inay saxaafaddu tahay shaqo aan u wanaagsaneyn gabdhaha, dhaqan ahaan, anshax ahaan iyo sharaf ahaan.

Gabdhaha marka ay ka shaqo billaabaan xarumaha warfaafinta ma helaan caawin, hagid iyo garabsiin-shaqo. Taageeradaas waxaa siin karay laakiin ka gaabiyay dadka warbaahinta ka shaqeeya oo ay ugu horreeyaan maamuleyaasha. Gabdho badan ayay taasi ka niyad-jabisaa sii wadidda shaqada, waxayna ka haraan mihnadda oo dhan.

Muddada sahanka

Ururku wuxuu muddo labo bilood ah waday sahan uu ku ogaanayay kaalinta gabdhaha ee warbaahinta magaalada Muqdisho, dowrkooda hoggaamin, qabashada xilalka madax-qeybeedyada, qabashada shaqooyinka soo saarista iyo caqabadaha hor-taagan in gabdhuhu ay la mid noqdaan wiilasha tiro ahaan iyo tayo ahaanba.

Dadka la wareystay

Waxaan tagnay 23 xarun warbaahin. Mid kasta waxaan kula kulannay oo aan wareysannay qof maamulka ka mid ah iyo gabar – meelaha ay gabdhaha ka shaqeeyaan.

Waxaan sahanka ku wareysannay 23 agaasime iyo 19 gabdhood oo ka shaqeeya xarumaha warbaahinta. Wuxuu qorshuhu ahaa inaan tiro isla eg ka wareysanno gabdhaha iyo maamuleyaasha warbaahinta laakiin tirada gabdhaha ayaa yar sabab la xiriirta in xarumaha qaar aysan joogin gabdho.

Waxaa sidoo kale noo suurtageli waysay inaan xog ka helno mid ka mid ah xarumaha magaalada ku yaalla oo maamulkeedu ka caga-jiiday inuu buuxiyo su’aalaha daraasadda.

Agaasimeyaasha ama maamuleyaasha waxaan u wareysannay in ay yihiin dadka haya xogta maamul ee shaqaalaha xarumaha, tiradooda, xilalkooda, shuruudaha shaqaaleyntooda, waxay ka og yihiin caqabadaha keenay kala badashada tirada dheddigga iyo labka ee shaqaalaha.

Gabdhaha waxaan ku xulannay maaddaama ay yihiin dadka ugu xog-ogaalsan baahida ay sahmisay daraasadda, qaarna waxaa haysta caqabadaha aan rabnay in aan ogaanno.

Marka laga reebo labo agaasime inta kale waxay sheegeen in gabdhaha iyo wiilasha ay u siman yihiin fursadaha shaqaaleynta iyo xilalka loo dhiibayo, ha noqdaan kuwa maamulka ama madax-qeybeedyada. Hase ahaatee xogta aan ku ogaannay sahanka waxay caddeynaysaa in gabdhuhu aysan kala sinnayn wiilasha dhanka tirada ee shaqaalaha xarumaha iyo xilalka ay ka hayaan meelaha muhiimka ah ee go’aamada lagu gaaro.

Waxaa xarumaha aan sahanka ku sameynay oo dhamaantood ku yaalla magaalada Muqdisho ka shaqeeya tirada guud 676 qof. Tiradaas waxaa wiilal ah 521 oo u dhiganta 77.1% halka gabdhahuna ay yihiin 155 oo u dhiganta 22.9%. Tiradaas waxaa looga qiyas-qaadan karaa in gabdhuhu ay aad ugu yar yihiin warbaahinta dalka. Waa sinnaan-la’aan dhanka dheddigga iyo laboodka ah oo u baahan in xal loo helo.

Xulashada shaqaalaha

Arrinta la-yaabka leh ee aan sahanka ku ogaannay ayaa ah in ragga aan wareysannay ay dooddoodu ahayd in shaqo-doonka lagu xusho aqoon, xirfad iyo karti, xilliyada shaqaaleysiinta, taas oo ay nooga soo baxday su’aasha ah gabdhuhu ma waxay shaqooyinka ugu yaraadeen in aysan lahayn aqoon, xirfad iyo karti?

Xilalka

Sahanka waxaan ku darnay su’aal aan ku ogaaneynay haddii ay xilalka ku kala badan yihiin gabdhaha iyo wiilasha. Waxaan ogaannay in 135 rag ah oo u dhiganta 79% ay hayaan xilal isugu jira agaasimeyaal, tifaftireyaal, madax-shaqaale, madax-warar, madax-barnaamij, madax-farsamo, iyo madax-qeybeedyo kale.

Tirada gabdhaha xilalka haya waa 29 gabdho ah oo keliya oo u dhiganta 21%. Gabdhahaas labo keliya ayaa agaasimeyaal telefishin ah, saddex waa agaasime ku-xigeenno, saddex waa madax-barnaamij, labo waa madax-warar, halka 19-ka kale ay madax ka yihiin qeybaha suuq-geynta.

Sinnaan-la’aanta dheddig/laboodka

Aragtida gabdhaha

Sinnaan-la’aanta lab iyo dheddig ee ka jirta xarumaha warbaahinta ayay gabdhaha badankood ku sheegeen inay xiriir la leedahay:

  • Maamuleyaasha oo aamminsan in gabdhuhu aysan qaban karin howlo badan
  • In aysan shaqeyn karin waqti la mid ah kan wiilasha ay shaqeeyaan.
  • Liidis iyo aqoon-yari.

Waxay xogta aan uruurinnay sheegaysaa in gabdhaha ay aad uga niyad-jabsan yihiin waqtiga ay ku bixiyaan tagista goobaha shaqada iyo shaqooyinka aan u qalmin ee ay qabtaan.

Aragtida maamuleyaasha

Waxaan sahanka ku wareysannay labo agaasime oo aamminsan in xarumahooda aysan ka jirin sinnaan-la’aan iyadoo hal gabarna aysan u shaqeyn! Arrintaas waxay muujinaysaa in ay jirto iska indho-tiris xaaladda jirta.

Waxaa arrintaas ay sii adkaynaysaa in xal loo helo caqabadda haysata gabdhaha weriyeyaasha ah ee iyaga oo dowrkoodu uuu maqan yahay loogu daray in aan la tirsan.

Marka laga tago hal agaasime waxaa su’aasha sinnaan-la’aanta oo ah caqabadda ugu weyn ka jawaabay inta kale ee la hordhigay, inkastoo labo ay tilmaameen in aysan garanayn.

Waxaa ay inta kale jawaabtoodu noqotay;

  • In aysan jirin sinnaan-la’aan ee ay jirto kala horreyn.
  • In ay liidato aqoonta gabdhaha taasna ay keentay sinnaan la’aanta.
  • Wacyiga bulshada iyo dadka loo shaqeeyo oo liita.
  • In dumarku aysan u diyaarsanayn shaqooyinka ay wiilashu qabtaan.
  • In sababta tahay dedaal-yari gabdhaha haysa.
  • Dumarka oo ku yar warbaahinta inay keentay sinnaan-la’aanta.
  • Madaxdu inay xaqirto gabdhaha.
  • Kalsooni-darro gabdhaha haysa ay sababtay.
  • In kala ‘doorbidis’ ay keentay sinnaan-la’aanta.
  • Caado loo bartay inay sabab u tahay.
  • Baraarug-la’aan jirta inay ugu wacan tahay.
  • Jilicsanaanta dumarka inay ka dhalatay sinnaan-la’aanta!
  • Aqoon-la’aan haysa madaxda qaar ee warbaahinta inay sababtay.

Agaasimeyaasha waxaan waydiinnay haddii ay jiraan shaqooyin aan lagu kalsoonayn in ay gabdhuhu qabtaan.

  • Saddex agaasime, waxay sheegeen – Gabadhaha inaan loogu kalsoonayn shaqada tebinta xasaradaha, qaraxyada ama musiibooyinka
  • Hal agaasime, wuxuu sheegay shaqooyinka qaar in laga yaabo in loo doorbido ragga sabab la xiriirta kalsoonida maamulka ay ku qabaan iyo fursadahooda. Ma sheegin shaqooyinkaas kuwa ay yihiin!
  • Saddex agaasime waxay aragtidoodu noqotay, shaqooyinka sababta aan loogu kalsoonayn in aan waqti walba la helaynin gabadhaha
  • Hal agaasime wuxuu u arkaa wax iska caado ah oo aan meelna ku saleysnayn
  • Hal agaasime – Shaqooyinka habeenkii ayuu sheegay in aan lagu kalsoonayn. Inta kale kama jawaabin kalsooni-darrada.
  • Waxaa jirtay su’aal ahayd haddii gabdhaha lagu garabsiin lahaa xirfadda ma gaari lahaayeen heer ka sarreeya kan ay hadda joogaan.

Sagaal gabdhood ayaa yiri waa ka sare mari lahayn heerkan haddii nalagu caawin lahaa xirfadda. Inta kale kama jawaabin.

Talo-soo- jeedin

Waxaan waydiinnay gabdhaha sahanka ka qeybgalay inay ka talo-bixiyaan sida ay u arkaan in loo kordhin karo tirada gabdhaha ee warbaahinta iyo aqoontooda.

Waxay ku taliyeen in la horumariyo aqoonta gabdhaha doorkoodana la siiyo.

  • 19-ka gabdhood ee aan wareysannay 15 ayaa soo jeediyay in la sameeyo olole wax looga qabanayo sinnaan-la’aanta, isla markaana gabdhaha aqoontooda la dhiso, iyadoo la adeegsanayo tababarro.
  • Hal gabar ayaa soo jeedisay in la dhiso niyadda gabdhaha isla markaana loo kordhiyo mushaarkooda. Waxay sii raacisay in xilalku ay qeyb ka yihiin waxa kordhin kara mushaarka.
  • Hal gabar waxay ku talisay in la sameeyo urur mideeya gabdhaha
  • Hal gabar waxay soo jeedisay in gabdhaha dhexdooda ay xinka iska daayaan.
  • Hal gabar waxay talo ku soo jeedisay in la hirgeliyo warbaahin u gaar ah gabdhaha
  • Hal gabar waxay ku talisay in aysan gabdhuhu isku filnaysiin soo jeedinta barnaamijyada iyo wararka ee ay u dagaallamaan kaalintooda.

Somwim

Ururka Gabdhaha Warbaahinta ka shaqeeya ee Soomaaliyeed (Somali Women in Media oo loo soo gaabiyo Somwim) waa urur aan faa’iido doon ahayn oo ka shaqeeya sidii ay haweenka kaalin muuqasho uga dhex heli lahaayeen warbaahinta iyo adeegyada kale ee bulshada iyo inuu dhiirrigeliyo in gabdhuhu ay ka qeyb-galaan kaalmaha hoggaanka iyo hanashada xilalka lagu gaaro go’aannada muhiimka ah.

Waxaan diiradda saarnaa dhismaha iyo tayeynta xirfadda warbaahinta ee gabdhaha si ay u fahmaan arrimaha khuseeya haweenka, ayna wararkooda ugu tebiyaan sida ugu sharaf badan uguna habboon.

error: Content is protected !!