Ururrada Somwim iyo Media Women Network oo tababbar u qabtay 15 gabdho weriyeyaal ah

SOMWIM – Ururrada Somwim iyo Media Women Network ayaa 15 gabdhood magaalada Muqdisho ugu qabtay tababar ku saabsan qaabka loo diyaariyo warbixinnada la xiriira haweenka iyo carruurta ay ku dhacaan tacaddiyada.

Gabdhaha saxafiyiin ah oo ka kala socday xarumaha warbaahinta ayaa ka qeyb galay tababarka oo uu bixiyay Cabdirisaaq Cilmi Balaag oo ka mid ah weriyeyaasha saxaafadda muddada ku soo jiray.

Gabdhaha ayaa tababarka ka dib ururarrada uga mahadceliyay fursadda ay siiyeen, iyagoo ballan-qaaday inay ka qeyb qaadan doonaan sidii haweenka ay codkooda u heli lahaayeen loona soo bandhigi lahaa tacaddiyada ku dhaca.

Xoghayaha guud ee Somwim Deeqo Qaasim oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in Somwim ay ka go’an tahay sidii gabdhaha warbaahhinta ku jira looga caawin lahaa diyaarinta warbixinnada arrimaha bulshada gaar ahaan haweenka oo lagu dhaliilo inaysan warbaahinta ka soo muuqan.

error: Content is protected !!